U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidanka DFS Oo Howlgal Ka Sameeyey Degmada Waaberi Ee Muqdisho

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay howlgal ballaaran ka sameeyeen degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadaha ku teedsan xarunta degmadaasi.

Waxaa howlgalkaan lagu qabtay Boqolaal dhallinyaro ah, iyadoo ciidamada ammaanka ay geeyeen xarunta degmada Waaberi si loo kala saaro, waxaana la daayay qaarkood.

Howlgalkaan ayaa daba socday qarax Bam oo isla xalay fiidkii lagu weeraray xarunta degmada Waaberi, kaasi oo aan wax khasaare ah geysan, siday sheegeen saraakiisha ammaanka.

Maamulka degmada Waaberi weli wax war ah kama aanay soo saarin howlgalkii ay xalay laga sameeyey degmadaasi, iyadoo ay jiraan dhallinyaro illaa hadda lasoo deyn.

Goobjoog News