Faah faahin: Ciidanka DFS Oo Howlgal Ka Sameeyey Muqdisho

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay howlgal ammaanka lagu xaqiijinayey ka sameeyeen xaafado ka mid ah degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Waxay ciidankan qabteen dhallinyaro badan oo ay isugu geeyeen goob fagaare ah oo ay ku kala saarayeen, iyadoo intooda badan lasii daayey, halka qaarna weli ay ciidamada baaritaan ku hayaan.

Saraakiisha ammaanka ee howlgalkaasi hoggaamineysa wax faah faahin ah kama aanay bixin, hase ahaatee howlgallada sidan oo kale ah ayeey ciidanka DFS ka wadeen degmooyinka gobolka Banaadir.

Howlgallada ay ciidamada dowladda ka sameeyaan degmooyinka magaalada Muqdisho ayeey kusoo qabtaan dhallinyaro badan, iyadoo saacado badan oo la hayo dhallinyaradan hadana lasii daayo.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW