U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidanka DFS Oo Howlgal Ka Sameeyey Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay howlgal ka sameeyeen xaafadda Taleex, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Waxa ay ciidanku howlgalkaan ku qabteen Boqolaal dhallinyaro ah, kuwaasi oo la isugu geeyey ugu dambeyn xarunta degmadaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa dhallinyarada ay soo qabteen u sheegay oo  kaliya in amniga la sugayo, iyadoo aanay jirin cid si gaar ah ay ciidanka u wateen.

Saacado badan ayeey ciidamada dhallinyaradan haysteen, taasi oo cabasho ay ka keeneen dhallinyarada qaarkood.

Ciidanka dowladda ayaa mararka qaar howlgallo Boqolaal qof lagu qabto ka sameeya degmooyinka magaalada Muqdisho, xilli ammaanka magaaladana uu yahay mid aan la isku haley karin.

Goobjoog News