U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidanka Dowladda Iyo Maleeshiyaad Ku Dagaallamay Sh/dhexe

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaad la sheegay in qaab beel isku abaabuleen ayaa ka dhacay deegaanka Bukuraar ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii la sheegay iney isku dhaceen ciidanka dowladda oo ka wareegayey deegaanka Il-baq oo inta badan weeraro ka fuliyaan Al-shabaab ayaa si lama filaan ah isugu dhacay mid ka mid ah maleeshiyaad dhowaan ku dagaallamay deegaanno Sh/dhexe.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintey Labo qof iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Nabadoon Cali Muxummad oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay si bareer ah usoo weerareen maleeshiyaadkaasi.

Wuxuu sheegay in dowladda hubkeeda loo adeegsaday dad shacab ah, islamarkaana deegaankooda inta lagu soo weeraray lagu dhibaateeyey waa sida uu hadalka u dhigaye.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee gobolka Shabellaha Dhexe weli kama aanay hadal dagaalkan.

Goobjoog News

 

Bukuraar