U bood dhigaalka

Faah faahin: Ciidanka Dowladda Oo Howlgal Ka Sameeyay Degmada Wadaijr, Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay maanta ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameeyeen xaafadda Siligi Ameerikaanka, degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa ahaa mid ciidanka ay bilaabeen waaberigii hore ee saakay, waxaana ciidamada howlgalkaan ku qabteen dad u bada dhallinyaro.

Meel barxad ah oo ku taalla xaafaddaasi ayeey ciidanka isugu keeneen dadkii ay soo qabteen, waxaana kala saaris kadib ay ciidanka horey u kaxeysteen qaar kamid ah dadkii howlgalkaasi lagu soo qabtay.

Tiro ahaan dadkii lagu qabtay howlgalkaan lama shaacin, maamulka degmada Wadajirna wax faah faahin dheeraad ah kama aanu bixin howlgalkaasi.

Howlgalkaan ayaa imaanaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in Muqdisho ay ka sameyn doonaan howlgal loogu magac daray caasimadda.

Goobjoog News