U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Dab Ka Kacay Qeybta Dawada Ee Isbitaalka Banaadir

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dab habeenkii xalay ahaa ka kacay Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir, gaar ahaan qeybta keydka ee dawada.

Dabkan waxa uu geystay khasaare hantiyeed, waxaana gubtay dawo badan oo Isbitaalka halkaasi u taallay.

Waxaa Isbitaalka degdeg kusoo gaaray gawaarida dab damiska ah oo uu hogaaminayey Taliyaha ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay in dabkaasi la damiyo.

Cali Gaab oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in warbixinta dabkaan uu soo gaarsiiyey agaasimaha guud ee Isbitaalkaasi, sidaasina ay halkaasi ugu soo gurmadeen.

Taliyaha ayaa inoo xaqiijiyey in aanu jirin khasaare nafeed oo halkaasi ka dhashay, marka laga reebo Bakhaarkaasi gubtay.

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir C/risaaq Xasan Cali ayaa isna sheegay in Bakhaarka gubtay lagu keydin jiray daawada Caruurta, sidoo kalena dabkan uu gaaray qeyb kale oo lagu keydiyo Dawooyin loogu tala galay haweenka.

“Bakhaarka dawada caruurta ku haynay ayaa dab inaga asiibay, wixii ilaahay keenay waa lagu sabraa, cid aan ku eedeynayo malahan, waxaa keentay musiibo koronto, sidoo kale bakhaarkii dawada haweenka ayuu dabka gees ka galay, dhimasho iyo dhaawac ma jirto, dhibkaanna waxaan rajeynaynaa inay nala qeybsadaan Soomaalida iyo madaxda oo idil” ayuu yiri agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la hadlay Goobjoog News.

Dawadan gubatay ayaa laga yaabaa in saameyn ay ku yeelato adeegyadii caafimaadka ee Isbitaalka Banaadir uu bixin jiray, sababtoo ah isbitaalka markiisii hore ayuu la ciir ciirayey dawo yari baahsan.

Goobjoog News