U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Dabaylo Xalay Ku Dhuftay Deegaanno Ka Tirsan Puntland

Sheeko:Dalka

Deegaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaan kuwa ku teedsan xeebaha Badda Cas ayaa habeekii xalay ahaa abaare 8-dii Fiidnimo (Laba Saac) waxaa ku dhuftay dabeylo xooggan, kuwaasi oo khasaare geystay.

Deeganada kala ah Caluula iyo Bareedo ayaa la sheegay in saameynta ugu weyn ay ku yeesheen dabaylihii xalay, waxaana burbur uu kasoo gaaray guryo halkaasi ku yaallay.

Deegaanka Caluula ayaa la sheegay in dabayluhu ay Jiingadihii ka qaadeen guryo badan oo halkaasi ku yaallay, sidoo kalena ay dhulka dhigeen geed timir badan.

Waxay sidoo kale dabaylahani baabi’iyeen dalag beereed ku yaalla deegaanka Caluula.

Deegaanka Bareedo ayaa isna la sheegayaa in dabayluhu ay waxyeelo u geysteen guryo halkaasi ku yaallay, inkastoo aanay jirin khasaare nafeed oo halkaasi ka dhashay.

Dhinaca kale goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in doon laga leeyahay dalka Iran ay ku degtay meel ku dhaw xeebta Caluula, waxaana halkaasi laga soo badbaadiyay 24-shaqaaqle oo u dhashay isla dalka Iran.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News