U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Dad Isugu Jira Soomaali Iyo Yemen Oo Maanta Soo Gaaray Magaalada Boosaaso (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Dekadda Magaaladda Boosaaso ee gobalka Bari waxaa maanta soo gaartay doon weyn oo waday dad badan oo kasoo cararay dagallada Yemen, kuwaasi oo lagu soo dhaweeyay dalkaasi.

Doonida ayaa siday qaxooti gaarayay 2-Kun oo qof, kuwaa oo isugu jiray Soomaali iyo Yemeniyiin kasoo cararay magaalooyin ka mid ah Yemen Oo Coladdo ka socdaan.

Dadka maanta yimid waxaa ka muuqatay qaarkood daal iyo xanuuno kale iyadoona loo gudbiyay goobaha Caafimaadka si xaaladooda Caafimaad lagula tacaalo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, hay’adaha Samafalka iyo Shacabka Boosaaso ayaa dadkaas si weyn usoo dhaweeyay,waxa ayna u fidiyeen gurmad degdeg ah oo isugu jirta quudin iyo daaweyn.

Dadka ayaa dhammaantood loo gudbiyay Xarunta sida ku meel gaar ah loogu hayo ee lagu nasiyo dadka kasoo cararay dagaalada dalka Yemen ,halkaasoo loogu diyaariyay meela ay seexdaan iyo cunto.

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada:-

yemen-2 yemen-3 yemen-6 yemen-8 yemen-10 yemen-11 yemen-12 yemen-13 yemen-71

Goobjoog News