U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Madaafiic Lagu Garacay Xaafado Ka Tirsan Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa madaafiic habeenkii xalay ahaa lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Madaafiicda oo ahayd Hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen xaafadda Via Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, halkaasi oo dad shacab ah ay ku dhaawacmeen.

Ugu yaraan Afar qof ayaa la sheegay in waxyeello ay kasoo gaartay duqeyntaasi kadib markii guryahooda ay madaafiicda ugu tagtay.

Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa sheegay in madaafiicdaan ay soo tuureen Xarakada Al-shabaab, lagana soo tuuray duleedka Kismaayo oo howlgallo ay kasoo sameeyeen.

Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa ka qalqalay madaafiicda lagu soo garaacay xaafadahooda.

Xaaladda guud ee magaalada Kismaayo haatan waa ay deggan tahay, waana markii ugu horreysay oo madaafiic lagu soo garaaco magaaladaasi tan iyo sanadkan 2016 inta uu curtay.

Goobjoog News