U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Dagaal Dhinaca Badda Ku Dhexmaray Ciidamada Jabuuti Iyo Kuwa Somaliland

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay ciidamada Badda dowladda Jabuuti iyo kuwa maamulka Somaliland, kaasi oo ka dhacay duleedka dhinaca badda degmada Saylac ee gobolka Awdal.

Dagaalkani ayaa la sheegay inuu ka billowday markab Kallumeysi oo la tilmaamay inuu ku sugnaa halkaasi, kaasi oo Somaliland ay ku sheegtay inuu ahaa mid qaab sharci ah ku kallumeysanayey halka Jabuutina ay sheegtay in biyaheeda lagu soo xadgudbay.

Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal socday shalay oo idil soona gaaray illaa habeenkii xalay ahaa, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku geeriyootay Labo askar oo mid ka mid ah la sheegay inuu ka mid yahay ciidanka Somaliland iyadoo dhaawac badan uu jiro inkastoo tirada rasmiga ah ee dhaawacaasi aan la shaacin.

Saraakiil u hadashay ciidanka badda Somaliland ayaa sheegay in Jabuuti ay kusoo qaadday weerar gaadmo ah, kuna soo xadgudubtay biyaha Somaliland, iyaga oo tilmaamay in weerarkaan aan la’isaga hari doonin.

Dowladda Jabuuti weli war buuxa kama aanay soo saarin dagaalkaasi dhacay, hase ahaatee Somaliland ayaa ciidamo badan ku daabuleysa degmada Saylac.

Maamulka Somaliland iyo dowladda Jabuuti waxaa ka dhaxeeyay xiriir aad u wanaagsan, waxaana laga yabaa in dagaalkaan uu meesha ka saaro xiriirkii mudada soo jiray.

Goobjoog News