Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Degmada Afgooye

Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ku leeyihiin Buundada yar ee degmada Afgooye, waxaana ka dhashay weerarkaasi khasaare kala duwan.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaasi uu socoday in ka badan 20 daqiiqo, iyadoo markii horena uu ku bilowday sida la sheegay Bam gacmeedyo lagu tuuray ciidamada.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo goobta ka dhashay, inkastoo si rasmi ah aan loo ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee Labada dhinac soo kala gaaray.

Ciidamada dowladda ayaa saakay waxay howlgallo ballaaran ka wadaan nawaaxiga halkii ay weerarka kusoo qaadeen dagaalyahannada Al-shabaab.

Maamulka degmada Afgooye iyo saraakiisha ciidanka DFS ee degmadaasi ku sugan weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW