U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Degmada Qoryoole Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab kahelaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhan ah ayaa saaka waabarigii ka dhacay degmada Qoryooley ee gobalka Shabellaha Hoose.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Qoryooley Maxamed Xaaji ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalkaasi uu kaga dhintay Hal Askari, sidoo kalena mid kale uu kaga dhaawacmay.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in Al-shabaab dhankooda uu khasaare jiro, balse aysan tirada hayn, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Weli xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa degmada Qoryooley, iyadoo shacabka ay ka baqayaan in mar kale lagu dul dagaallamo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News