U bood dhigaalka

Faah faahin: Dagaal Xooggan Oo Dhex-maray Soomaali Iyo Canfar

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeyay Soomaalida iyo Canfarta ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay ismaamulka Soomaalida, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Sida ay dadka deegaanka sheegeen, ciidamada Canfarta ayaa weerar kusoo qaaday deegaanka Alaale ee ismaamulka Soomaalida, iyadoo Soomaalida iska caabiyeen Canfartii weerarka soo qaadday.

Inta la xaqiijiyey 14 qof oo Soomaali ah ayaa dagaalkaasi ku dhimatay, waxaana ku dhaawacmay 7 kale, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka ee Alaale.

Sidoo kale, waxgaradkan ayaa sheegay in Canfarta ay doonayaan iney la wareegaan dhul ay Soomaalida leedahay, islamarkaana hadda meelihii lagu dagaallamay ku sugan yihiin Soomaalida.

Dagaalkan ayaa la sheegay inaanay qeyb ka ahayn ciidamada Ismaamulka Soomaalida, iyadoo Canfarta iska caabinayaan shacabka ku dhaqan deegaannada lasoo weeraray.

Lama oga khasaaraha soo gaaray dhanka ciidanka Canfarta ee weerarka kusoo qaaday Soomaalida, wallow xaaladdu ay tahay mid deggan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News