U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaallo Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Dagaallo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose, waxaana dagaalladaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalladan ayaa ka dhacay deegaannada Bilaa, Baladul Amiin iyo Muuri, kuwaasi oo dhammaantood kaabiga ku haya deegaanka Lambar 50 ee Shabellaha Hoose.

Al-shabaab ayaa la sheegay in weerarkada dagaalladaasi ay lahaayeen, waxayna iska caabin kala kulmeen ciidanka dowladda ee halkaasi ku sugan.

Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalladan ay ku dhinteen ugu yaraan 5 ruux oo dhinacyadii dagaallamay u badan, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Xaaladda deegaannadii lagu dagaallamay saakay waa mid deggan, hase ahaatee xilli walbo waxaa la filan karaa dagaallo mar kale ka dhaca halkaasi, maadaama Labada dhinac aanay kala fogeyn.

Dhinacyadii ku dagaallamay Shabellaha Hoose, weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalladaasi, hase ahaatee Al-shabaab ayaa xoojisey weerarada ka dhanka ah ciidanka dowladda ee ku sugan gobolkaasi.

Goobjoog News