U bood dhigaalka

Faah Faahin Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Qaabka Ay Ciidanka DFS Ula Wareegeen Bariire

Sheeko:Amniga

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxay weerar ku qaadeen Xarakada Al-shabaab ee ku sugan deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban.

Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa u suurtagashay iney la wareegaan deegaanka Bariire, mana la oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkii dhacay.

Xaaladda deegaanka Bariire ayaa deggan, balse ciidanku waxay wadaan howlgallo ay ku sameynayaan dhammaan furyaha ku yaalla deegaankaasi.

Saraakiisha xoogga dalka ee hoggaamineysa ciidankan ayaan wax faah faahin ah ka bixin howlgalkan ay kula wareegeen deegaanka Bariire.

Ciidanka dowladda ayaa horey uga baxay deegaankan oo ay Al-shabaab kala wareegeen, lamana oga in ay sii joogi doonaan iyo iney dib uga soo laaban doonaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News