U bood dhigaalka

Faah Faahin Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Dab Ka Kacay Suuq Ku Yaalla Degmada Xamarweyne

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dab khasaare hantiyeed geystay oo saaka waaberigii ka kacay suuq ku yaalla degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Dabkaan ayaa la sheegay inuu ka kacay suuqa Qudaarta ee degmada X/weyne, waxaana sabab u ahaa dab ka kacay maqaaxi shaaha lagu iibiyo.

Gudoomiyaha degmada X/weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir ayaa u sheegay Goobjoog News, in lagu guuleystay dabkaasi in la damiyo, iyadoo halkaasi ay ku basbeeleen Afar Dukaan.

Shacabka degmadaasi ku nool iyo qaar ka mid ah ganacsatada degmada Xamarweyne ayaa ku guuleystay in dabkaasi ay degdeg ku damiyaan.

Suuqa degmada Xamarweyne ayaa dhowr jeer sidaan oo kale waxaa uga kacay dab geystay Khasaare hantiyeed.

Goobjoog News