U bood dhigaalka

Faah Faahin Dheeraad Oo Laga Helay Dab Ka Kacay Magaalada Burco Ee Gobalka Togdheer (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

DabkacayDab qasaare hantiyadeed geestay ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka kacay magaalada Burco ee gobalka Togdheer.

Dabkaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa wararka waxay sheegayaan in uu bas beeliyay Hotel, Bakhaaro iyo Bacadle halkaasi ku yaalay.

Shacab badan iyo sidoo kale dowladda hoose ee Burco ayaa iska kaashaday sidii dabkaasi lagu damin lahaa, waxaana warar aynu helnay ay ay tilmaamayaan in dabkaan uu Koronto ka dhashay.

Abaare Waabarigii saaka ayaa lagu guuleystay in dabkaasi la damiyo sida uu Goobjoog Fm u sheegay mid ka mid ah wariyaasha halkaasi kusugan.

Ciidamada Booliiska oo haatan halka dabka ka kacay ku sugan ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan sababta rasmiga ah ee dabkaan u kacay iyo sidoo kale in ay ogaadaan qasaaraha inta uu la egyahay.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News