U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Gaari Lagu Rasaaseeyey Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee gobolka Baay ayaa faah faahin dheeraad ah waxay ka bixiyeen gaari loo yaqaano Homey oo lagu weeraray gobolkaasi, kaasi oo khasaare kala duwan ay ka dhalatay.

Taliyaha ciidamada Booliiska Baay Korneel Mahad C/raxmaan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in gaarigaasi oo ay saarnaayeen dad shacab ah iyo ciidan ka tirsan Koonfur Galbeed ay jidka u galeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, islaamarkaana rasaas ay dagaalyahannadaasi gaariga ku fureen ay sababtay dhimashada Saddex qof iyo dhaawaca 7-kale.

Waxa uu taliyaha xaqiijiyey in dadka dhintey Labo kamid ah ay ahaayeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo kasoo amba baxay deegaanka Daynuunaay kuna soo jeeday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

“Gaarigan shacab ayaa markii hore saarnaa, ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa meel dhexe kasoo raacay, laakiinse nimankii Nabad diidka ahaa ayaa jidka u galay oo halkaasi ku rasaaseeyey gaarigii iyo dadkii la socdey, Saddex ruux oo Labo askarteena tahay baa meesha ku dhintey, ciidankii amniga ayaana gaarigaasi markii dambe gurmad u fidiyey” ayuu yiri Taliyaha.

Al-shabaab dhankooda kama aaney hadal weerarkaan ka dhacay gobolka Baay, hase ahaatee mararka qaar Al-shabaab ayaa weerar ku qaada gaadiidka ay la socdaan ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Federaalka.

Goobjoog News