U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Rasaas Lagu Furay Maqaayad Ku Taalla Degmada B/xaawo Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar maanta rag hubeysan ay ku qaadeen Maqaayad ku taalla degmada B/xaawo ee gobalka Gedo, taasi oo sababatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Rag watay gaari nooca Suzuki loo yaqaano ayaa la sheegay inay rasaaseeyeen maqaayaddaan oo ku taallay Koontaroolka laga soo galo degmada B/xaawo, waxaana halkaasi ku dhintay 5 qof oo Seddax ka mid ah ay yihiin ciidamada Jubbaland, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Dad ku sugan halka falkaan uu ka dhacay ayaa Goobjoog News waxay u sheegeen in gaariga weerarkaan lagu fuliyay dhawaan laga qafaashay isla degmadaasi, iyadoo markii falkaasi lagu sameeyay uu meel aan goobta ka fogeyn ku rogmaday, waxaana baxsaday dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Saraakiisha degmada B/xaawo ayaa sheegaya in weerarkaasi ay ka dambeeyeen rag ka mid ah Xarakada Al-shabaab, balse weli warkaasi ma cadda.

Falalka sidaan oo kale ah ayaa noqday kuwo kusoo laab laabtay deegaannada gobalka Gedo.

Goobjoog News