Faah Faahin: Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in diyarado dagaal oo illaa hadda aan la ogeyn dalka laga leeyahay ay duqeyn ka geysteen deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.

Diyaaradahan ayaa dhowr gantaal ku tuuray sida la sheegay saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen Gedo, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntay.

Sidoo kale diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa iney saakay dul heehaabayaan deegaanno kale oo isla gobolka Gedo ah.

Dhowaan ayeey ahayd markii diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen deegaanno ku dhow deegaanka Ceelcadde ee Gedo, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW