U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Dowladda Sacuudiga Oo Daldashay 47 Ruux

Sheeko:Dalka

Dowladda Sacuudiga ayaa daldashay 47 ruux oo ku eedeysan waxa loogu yeero argagaxisada sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha Gudaha dalkaasi.

Dadka la dilay waxaa ma kid ahaa nin dowladdu u aqoonsatay in uu ahaa hogaamiye ka tirsan ururka al-Qaeda kaas oo lagu magacaabo Fares Al-Shuwail iyo hogaamiye shiica ah oo la yiraahdo Nimr al-Nimr kaas oo kiciyey carada shiicada gobolka ku nool.

War laga aqriyey TV-ga dowladda dalka Sacuudiga ayaa lagu xusay magacyada dadka la daldalay kuwaas oo horey dalka Sacuudigu uu ku helay ku lug lahaanshaha Argagixisnimo.
Xakunka dilka ah ee lagu xakumay Nimr al-Nimr oo hogaaminayey cabashooyin dhanka ah dowladda Sacuudiga oo ka dhacay bariga dalkaa waxaa horay u sheegtay maxkamada sare ee dalkaa bishii October ee sanadkii tagay.

Faris al-Shuwail oo isna ka mid ahaa dadka ugu magaca dheer kuwa la dilay waxaa laga qabtay mel u dhexeysa xuduudda dalalka Yeman iyo Sacuudiga sanadkii 2004 isagoo illaa iyo intaasna xabsi ku jiray.

Badankood dadka la qaarijiyey waxa lagu soo eedeyey in ay ka dambeeyeen weeraro dalka Sacuudiga ka dhacay 2003 iyo weeraro kale oo Al-qaacida lagu eedeyey oo dhacay 2006.

Marka laga soo tago muwaadiniinta Sacuudiga ah ee la dilay waxaa dhinaca kale dadkaa ku jiray muwaadiniin u dhashay Masar iyo Jaad.

War ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa walaac looga muujiyey dilka hogaamiyaha Shiicada ee Nimr al-Nimr, oo mareykanku sheegay in dilkiisu ay xiisad cusub oo madhabta ku saleysan ka dhex abuuri karto muslimiinta deggan Bariga dhexe.
Goobjoog News