U bood dhigaalka

Faah faahin: Gabar Iyo Hooyadeed Oo Lagu Dilay Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Rag hubeysan ayaa xalay waxay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ku dileen Hooyo iyo Gabadheeda, xilli ay fadhiyeen bannaanka kore ee gurigooda.

Sida ay goob joogayaal u sheegeen Goobjoog News, raggan wax dilay ayaa rasaas ku furay Labadan qof, kadibna goobta ayeey ka baxsadeen.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay in la dilo hooyadan iyo gabadheeda oo maacyadooda lagu soo kala koobay Safiyo iyo Nadiifo.

Ciidamada Puntland ayaa xalay illaa iyo saakay waxay howlgallo ka wadaan xaafadda Garsoor ee dilkaan uu ka dhacay.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa maalmahan dambe ahaa mid kasoo hagaagayey sidii hore, iyadoo magaaladaasi ay si wadajir ah uga howlgalaan ciidamo Booliis ah oo isku dhaf ah, kana kala tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News