U bood dhigaalka

Faah faahin: Ganacsade lagu dilay magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari

Sheeko:Dalka

Rag hubaysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ku dileen nin ganacsade ah, kaa oo aad looga yaqaanay magaaladaasi.

Ganacsadahaan ayaa lagu magacaabayay Yuusuf Caalim kaas oo markii hore la sheegay in dhaawac halis ah uu soo gaaray, markii Isbitaalka la geeyay ka dibna uu u dhintay dhaawacaasi.

Weerarkaan lala eegtay ganacsadahaan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso gaar ahaan nawaaxiga Hotel Karaama, iyadoo dableydii dilka geysatay ay ka baxsatay goobta.

Dhanka kale rasaas aan la garan meel ay ka timid ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay wiil dhallinyaro ahaa oo goobtaas ku sugnaa, waxaana looga shakisan yahay inay fureen ciidamada SPU- oo halkaasi maraayay.

Maamulka Puntland weli wax faah faahin ah kama aanu bixin falalkaan ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana saaka xaaladda ay tahay mid degan.

Goobjoog News