U bood dhigaalka

Faah Faahin: Haweeney Guddoomiye Laameed Ahayd Oo Lagu Dilay Degmada Shibis

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa habeenkii xalay waxay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ku dileen Haweeney la sheegay in ay ahayd gudoomiye Laameed.

Laba nin oo Bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in haweeneydan ay ku dileen hoygeeda ku yaalla nawaaxiga xaafadda Maanabooliyo ee degmada Shibis.

Waxay ahayd guddoomiyahii Waaxda Saddexaad ee Laanta Xalane sida Goobjoog News u xaqiijiyey Gudoomiyaha degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay inay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilkaasi oo iyaga durba ka baxsaday halkii uu falkaasi ka dhacay.

Dilalka sidan oo kale ah ayaa maalmahan dambe kusoo noqday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Goobjoog News