U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Haweeney Lagu Dilay Isgoyska Siinaay Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ku dileen Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho haweeney la sheegay inay ka mid ahayd ganacsatada suuqa Siinaay.

Labo nin oo ku hubeysan Bistoolado ayaa la xaqiijiyay inay toogteen Haweeneydaan oo magaceeda lagu soo koobay Aamino Gees-diir.

Marxuumadda ayaa suuqa Siinaay ku lahayd dukaan lagu iibin jiray maacuunta, iyadoo raggii wax diley goobta ka baxsadeen.

Mid ka mid ah dadka ku ganacsada Siinaay ayaa u sheegay Goobjoog News in dilka ka dib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ah kuwaasi oo halkaa baaritaanno ka sameeyay inkastoo aanay jirin cid ay soo qabteen.

Ma cadda sababta ka dambeysay in la dilo haweeneydaan, hase ahaatee dilal noocan oo kale ah ayaa horay uga dhacay magaalada Muqdisho.

Goobjoog News