U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Haweeney Xalay Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Koox Bistoolado ku hubeysan ayaa xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dilay guddoomiyihii haweenka Puntland ee gobalka Mudug Dhudi Yuusuf Axmed.

Dilka ayaa ka dhacay waqooayiga magaalada Gaalkacyo, iyadoo raggaii dilkaasi ka dambeeyay ay baxsadeen.

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa waqooyiga Gaalkacyo dilka kadib ka billaabay howlgallo lagu baadigoobayo kooxda dilka geysatay.

Dhinca kale ciidamada Puntland ayaa saaka si aad ah u baaraya qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo, waxaana ay baadigoobayaan ciddii dilkaasi ka dambeysay, laakiinse lama soo sheegin cid loo qabtay dilkaasi.

Xaafado ka ku yaalla dhanka waqooyi ee Gaalkacyo maanta kama jiraan wax dhaqdhaqaaq ciidan ah sababo la xiriira howlgallada ay wadaan ciidamada Puntland.

Goobjoog News