Faah faahin: Howlgallo Ka Socda Degmada Afgooye, Sh/hoose

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay howlgallo ballaaran ka wadaan xaafado ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Howlgalladan ayaa ah kuwo qorsheysan oo ciidamada waxaa la sheegay in xaafadaha qaar ay diideen isku socodka dadweynaha.

Wariyaheenna Muuse Cabaas ayaa soo sheegaya in ciidanka howlgalka wada ay yihiin kuwii dhowaan ay dowladda federaalka ka dirtey magaalada Muqdisho.

Ammaanka degmada Afgooye ayaa ahaa mid maalmihii dambe faraha kasii baxay, hase ahaatee howlgalladan ayaa la doonayaa in dib loogu soo celiyo amnigii iyo kala dambeyntii degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW