U bood dhigaalka

Faah Faahin: Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Saakay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Km-4 iyo Tareebiyaano.

Sida ay dad goob joogayaal ah inoo sheegeen, qaraxan ayaa lagu qarxiyey jawaanada qashinka ah ee la dhigo wadada Hareeraheeda, wuxuuna qarxay marka la saaray gaari ka mid ah kuwa qashinka qaada ee gobolka Banaadir.

Hal qof ayaa la xaqiijiyey in qaraxan ku dhintay, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka oo bilaabay howlgallo baaritaanno ah.

Aroor walba, gaadiidka ka shaqeeya nadaafadda ee maamulka gobolka Banaadir ayaa wadada makka Al-mukarrama ka qaada qashinka lasoo dhigo hareeraha wadada, waxaana sidoo kale laamigaasi subax walbo laga sameeyaa nadaafad.

Maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha ammaanka weli kama aanay hadal qaraxan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News