U bood dhigaalka

Faah Faahin: Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Saakay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Qarax la sheegay inuu ahaa Miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa saakay ka dhacay dalcadda Taleex, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasare kala duwan.

Sida ay Goob joogayaal inoo sheegeen, qaraxan waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana dhowaqiisa laga maqlay degmooyin badan oo magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay Labo askari oo la tilmaamay in gaariga ay la socdeen, iyadoo Labo qof shacab ah oo halkaasi marayeyna uu dhaawac kasoo gaaray, sida ay goob joogayaal inoo xaqiijiyeen.

Ciidamada ammaanka oo gaaray halka qaraxan uu ka dhacay ayaa bilaabay baaritaanno, mana jirto faah faahinno kale oo ay bixiyeen hay’adaha ammaanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News