U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Khasaarihii Ka Dhashay Doontii Ku Gubatay Dekadda Boosaaso

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa doon xoolo badan waday oo maanta ku gubatay meel ku dhaw dekadda Magaalada Boosaaso, taasi oo halkaasi ka shiraacatay kuna wajahneyd Imaaraadka Carabta.

Maxamed Cali Xaashi oo ah taliyaha ciidanka Dekadda Boosaaso ayaa u sheegay Goobjoog News in Doontaasi oo u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed, lagana lahaa dalka Iiraan ay ku gubteen dhammaan xoolihii saarnaa oo isugu jiray Lo iyo Ari.

Taliyaha ayaa sheegay in muddo Seddax Saacadood ah ay ku dadaalayeen sidii ay ku damin lahaayeen dabkaasi, islamarkaana ay soo badbaadiyeen 11-qof oo doonida saarnaa meeshana ay ku dhamaadeen 510 neef oo Lo ah iyo sidoo 660 Ari, waxaana wadarta guud ay isku tagaysaa 1,170 (Kun Boqol Iyo Todobaatan) Neef.

Naaquudaha doontaasi ayaa sheegay in dabka uu ka bilawday qeybta hoose ee doonta, ka dib markii caws xoolaha loo saaray uu dab kasoo kacay matoorka uu qabsaday.

Dabkaan ayaa saaka markii uu doonidaan ka kacay waxaa dadaal ku bixiyay shaqaale dabdamis ah oo u tababaran arimahaan oo kale, hase ahaatee ay u suurta geli waysay in la damiyo, iyadoo gabi ahaanba ay doonida basbeeshay.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale doonyo wada xoolo iyo kuwo kale oo ganacsi waxaa dab ku qabsaday meel aan ka fogeyn dekadda Magaalada Boosaaso, iyadoo khasaare badan uu ka dhashay.

Puntland ayaa dekadda Boosaaso keentay qalab loogu tala galay daminta dababka, hase ahaatee waxa uu qalabkaasi u muuqdaa mid ka tan yar oo aan damin karin dabka sidaan oo kale u weyn ama u xoogan.

Goobjoog News