U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Koox Hubeysan Oo Haweeney Ku Dilay Degmada Hodon Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Koox hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ku dileen Haweeney la sheegay inay ka mid ahayd ururuka haweenka waaxda October ee degmadaasi.

Haweeneydaan ayaa lagu magacaabayey Cibaado Cabdi Maxamed, waxaana wararku ay sheegayaan in rag ku hubeysnaa bistoolado ay gurigeeda ugu galeen sidaasina ay ku dileen.

Axmed Daahir oo ah guddomiyaha degmada Hodon oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin ka maamul ahaan falkaan lagu dilay Cibaado.

Waxa uu tilmaamay inay ahayd haweeney ay aad u yaqaaneen dhammaan shacabka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee degmada Hodon.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay baaritaanno wadaan islamarkaana ay ku rajo weynyihiin in lasoo qabto dadkii falkaasi ka dambeeyay.

“Waxaan wadnaa baaritaanka dadkii ka dambeeyay Cibaado Cabdi Maxamed, waxaana rajeynaynaa in aan ku guuleysanno soo qabashada haweenaydaan” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Hodon.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmahan dambe kusoo badanayey qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, xilli ciidamada ammaankana ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.

Goobjoog News