U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Koox Hubeysan Oo Weerar Ku Qaadday Xabsiga Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahaa weerar lagu qaaday Xabsiga magaaladaasi.

Koox hobeysan oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen Xarakada Al-shabaab ayaa xalay saqdhexe waxa ay weerareen Xabsigaasi oo maxaabiis badan ku xiran yihiin, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday.

Ciidamada Aluubta ee ku sugan magaalada Baladweyne iyo kuwo Booliis ah ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen raggii weerarka soo qaaday xabsiga, iyadoo weli aan la shaacin khasaaraha halkaasi ka dhashay inta uu la egyahay.

Taliska ciidamada Alsuubta ee magaalada Baladweyne oo aan isku daynay inaan xiriir la sameynno si khasaaraha loo ogaado ayaan inoo suurta gelin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News