U bood dhigaalka

Faah-faahin Ku Saabsan Khasaaraha Weerarka Al-shabaab Ee Buulo-Gaduud

Sheeko:Dalka

Illaa 11 qof oo labada dhinac ayaa ku dhimatay weerar ay axaddii ay Al-shabaab ku qaadeen magaalada Buulo-Gaduud oo u dhaw magaalada xeebta ah ee Kismaayo.

Mukhtar Cabdi Maxamed, oo ah  colonel ka tirsan Jubaland state ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen 4 askari iyo 7 ka tirsan Al-shabaab halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 qof.

Gen. Ismaciil Saxardid  oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo u waramay SONNA waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay ka dileen in ka badan 20 inta uu dagaalka socday.

Xarakada Al-shabaab, dhankooda waxaa ay sheegeen in ay dowladda federaalka ah ka dileen in ka badan 26 askaro.

Bulo-gudud waxaa ay 30 kilometers (18 miles) u jirtaa magaalada Kismaaayo oo xarun ah maamul goboleedka Jubbaland.

Goobjoog News