U bood dhigaalka

Faah Faahin Ku Saabsan Safarka Madaxweynaha Galmudug Ee Degmada Hobyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maalintii Labaad waxa uu safar ku joogaa degmada Hobyo ee gobalka Mudug, halkaasi oo kulamo uu kula qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guuleed ayaa la kulmay maamulka degmada Hobyo, Odayaasha dhaqanka iyo sidoo kale ganacsatada degmadaasi ku sugan.

Maxamuud Maxamed Cawaale oo ah gudoomiyaha degmada Hobyo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in waxyaabaha uu halkaasi u tagay Mr Guuleed ay ka mid tahay xarig dhigista dekadda Hobyo iyo arrimo kale.

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa sheegay in si caadi ah uu u shaqo billaabay garoonka diyaaradaha degmada Hobyo, islamarkaana Todobaad walba ay halkaasi tagaan diyaarado ku dhaw 10.

Mar uu soo hadal qaaday dhanka adeegyada ganacsiga ee degmada Hobyo ayuu ku sheegay gudoomiyaha mid soo kobcaya, islamarkaana halkaasi ay maalgashi ku sameynayaan ganacsato Soomaali iyo ajaaniib isugu jirta.

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu faah faahin rasmi ah ka bixiyo ulajeedka safarka uu ku tagay degmada Hobyo.

Goobjoog News