U bood dhigaalka

Faah faahin: Kulankii Baarlamaanka ee Maanta iyo qaabkii uu kusoo gaba gaboobay (Sawiro)

Sheeko:Dalka

002Waxaa buuq ku dhamaaday kulankii xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta ku lahaayeen xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Maanta oo Isniin ah waxaa loo balansanaa in xildhibaanada loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, si ay usoo akhristaan xildhaibaanada.

Balse waxaa markii ugu horeysay Laba jeer la jeex jeexay warqadihii xaadirinta xildhibaanada soo shaqo tagay, halkaasi oo ay ka bilaabatay sawaxan xoogan.

Xildhibaanada ayaa gudaha iska soo galay, waxaana xusid mudan in maanta wariyaasha loo diiday gudaha in ay u galaan xarunta golaha shacabka iyaga oo laamiga shishe lagu celinaayay.

Xildhibaanadii keenay Mooshinka qaarkood ayaa waxay bilaabeen in ay qeybiyaan warqado ay ku sheegayaan Mooshinka inuu yahay, taasna waxay keentay in xildhibaanadii kale ee mooshinka diidanaa ay warqadahaasi jeex jeexaan.

Intaasi ka dib ayaa abaare 11:30 ee barqanimo waxaa xaruntaasi gaaray gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyadoo la filayay in kulanka uu daah furo hase ahaatee xildhibaanada diidan mooshinka ayaa kala hortagay buuq aad u xoogan.

Jawaari ayaa qabsaday Codbaahiyahii, waxaana uu weydiiyay xildhibaanada inay haystaan mooshinka iyo in kale, hase yeeshee inta uu hadalka halkaasi marayay ayaa xubnihii diidanaa mooshinka, waxa ay jar jareen fiilooyinkii codbaahiyay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka markii lagu sii buuqay, waxaa la sheegay in halkaasi uu kasoo tagay, iyadoo aanu si rasmi ah kulanka u furmin.

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah xildhibaanada wada mooshinkaan, waxa uu u sheegay Goobjoog Fm, in mooshinkaan loo qeybiyay, islamarkaana ay soo akhrisan doonaan.

Mar aynu wax ka weydiinay cidda u qeybisay mooshinkaan, waxa uu sheegay in sidada caadada ah ay u siiyeen shaqaalaha Baarlamaanka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo isna ka mid ah xubnaha diidan mooshinkaan, ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in aan la qeybin wax mooshin ah, laakiinse ay jireen xildhibaano qeybiyay warqado mooshin lagu sheegay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaan Magan ayaa tilmaamay in kulanka dhan aanu furmi, marka loo eego sharciga uu kulanka ku furmo, waxaana uu tilmaamay in aysan jirin wax soo baxay.

Waa maalintii Sedaxaad oo buuq uu kusoo dhamaado kulanka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo Laba jeer oo hore ay sidaan oo kale dhacday, waxaana baarlamaanka yaala mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Hoos ka arag qaar ka mid ah Sawirada lasoo qaaday.

001

002

003

004