U bood dhigaalka

Faah Faahin Laga Bixiyay Qaabkii Loo Badbaadiyay Macallimad Laga Soo Qafaashay Kenya (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Shalay ayaa ciidamada maamulka Jubbaland waxa ay ku guuleysteen in ay dagaal kusoo furtaan Macallimad Kenyan u dhalatay oo lagu magacaabo Judy, taasi oo laga soo qafaashay xeryaha qaxootiga ee dalkaasi.

Kooxda wax qafaalatay ayaa raadkooda waxa uu soo galay degmada Dhoobley ee gobalka Jubbadda Hoose, waxaana taasi ay keentay in ay ka warhelaan ciidamada Jubbaland ee halkaasi ku sugan.

Markii ay ka daba baxeen ciidamada ayaa la tilmaamay in iska horimaad uu halkaasi ku dhex maray raggii wax afduubtay iyo sidoo kale ciidankii Jubbaland, iyadoo halkaasi uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Waxaa baxsaday qaar ka mid ah raggii haweeneydaan u afduubneed oo tiradooda markii hore gaareysa 7, sida uu saxaafadda u sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland oo ku sugan degmada Dhoobley.

Macallimadda ayaa markii lasoo badbaadiyay waxaa la geeyay bartamaha degmada Dhoobley, halkaasi oo lagu koontaroolay xaaladeeda caafimaad, waxaana goobta tagay ciidamo iyo saraakiil Kenya ah.

Dowladda Kenya ayaa juhdi badan waxay ku bixineysay sidii ay kusoo badbaadin lahayd haweeneydaan, waxaana ay kasoo daba dirtay ciidamo aad u badan iyo diyaarado dagaal, gaar ahaan kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopter.

Judy ayaa uga mahad celisay ciidamada Jubbaland dadaalka ay u galeen sidii nafteeda ku badbaadin lahaayeen, iyaga oo ugu dambeyn howlgalkaasi ku guuleystay.

005 004 003 002 001

Goobjoog News