U bood dhigaalka

Faah Faahin Laga Helayo Dagaal Beeleed Ka Dhacay Goboka Sool

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal beeleed shalay gelinkii dambe illaa xalay ka dhacay deegaanka Ari-cadeeye ee gobolka Sool.

Dagaalkan ayaa ku bilowday sida la sheegay muran dhanka dhulka ah oo soo kala dhexgalay Labadan beel.

Inta la hubo Shan ruux oo beelihii dagaallamay ayaa ku dhaawacmay halkaasi, iyadoo xiisadan maalmahanba ay ka tagneyd deegaankaasi.

Durba waxaa dedaal bilaabay waxgaradka iyo maamulka Somaliland, waxaana la kala dhexgalay dhinacyadan dagaallamay.

Somaliland ayaa ciidamo kala dhex dhigtay dhinacyada dagaallamay, kuwaasi oo ku guuleystay in dagaalkii dhacay ay damiyaan.

Waxaa haddala filayaa in wadahadal loo furo dhinacyadan dagaallamay, iyadoo waxgaradka Labada dhinac ay isku imaan doonaan.

Goobjoog News