U bood dhigaalka

Ciidamada Itoobiya Iyo Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gedo

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyey ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al-shabaab oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay deegaanka Yurkud ee gobolka Gedo.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in weerar ay ku qaadeen deegaankaasi oo qiyaastii 40-km u jira degmada Luuq, gaar ahaan fariisin ay halkaasi ku lahaayeen ciidanka Itoobiya.

Waxaa la isku adeegsaday hubka culus iyadoo dagaalka uu socday ku dhawaad saacad sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Inta la hubo dad ku dhaw 5 oo isugu jira dhinacyadii dagaallamay ayaa dagaalkaasi ku dhintay, iyadoo dhaawac uu intaasi ka badan yahay.

Dadka shacabka ah ayaa la sheegay in rasaasta ay ugu tagtay xaafadahooda, iyadoo deegaannada ku dhaw deegaankaasi ay maanta howlgallo ka wadaan ciidanka Itoobiya.

Dhinacyadii ku dagaallamay deegaanka Yurukud ee Gedo weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalladaasi.

Goobjoog News