U bood dhigaalka

Faah Faahin Laga Helayo Dagaal Ka Dhacay Duleedka Degmada Laascaanood

Sheeko:Dalka

Faahfaahin ayaa laga helayaa dagaal sababay khasaare kala duwan kaas oo ka dhacay degaan duleedka kaga began magaalada Laascaanood ee gobalka Sool kaasi oo u dhaxeeyay beello halkaasi wada deggan.

Guddoomiyaha degaanka Yeyle oo shaqaaqadani ay ka dhacday Axmed Maxamed Aadan ayaa sheegay in Labo qof ay ku dhinteen halkaasi halka Labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xaaladda ayuu sheegay guddoomiyaha in iminka ay tahay mid deggan waxaana shaqaaqadani ayaa ka dhacday afaafka hore Masjid ku yaalla degaankaasi Yeyle oo dhinaca qoraxsin waqooyi galbeed qiyaastii 120-KM ka xiga magaalada Laascaanood.

Waxaa soconaya dedaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisaddani ka taagan degaanka oo ay isku howlayaan maamulka degaankaasi ee gobalka Sool iyo odayaasha dhaqanka ee halkaa ku sugan.

Deegaanno ka mid ah gobolka Sool waxaa maalmahan dambe kusoo badaneyey dagaallada u dhaxeeya beelaha wada deggan halkaasi.

Goobjoog News