U bood dhigaalka

Faah Faahin Laga Helayo Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goob ay isku diyaarinayeen ciidamada Baambeyda kuna dhow saldhigga Kismaayo ayaa la sheegay iney Miinadan ka qaraxday.

Labo kamid ah askarta Baambeyda ayaa la xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhinteen iyadoo ku dhowaad 10 kalena dhaawac uu soo gaaray.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira shacab ka dhawaa halkaasi, iyadoo dhammaan loola cararay Isbitaalka Kismaayo.

Maamulka Jubbaland, kan Kismaayo iyo saraakiisha amniga weli saxaafadda faah faahin kama aanay siin qaraxan dhacay.

Goobjoog News