U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Macallin Iskuul Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Maxamed Cabdullaahi Xaashi oo kamid ahaa macallimiinta ka howlgal mid ka mid ah Iskuullada ku yaalla magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa habeenkii xalay ahaa lagu dilay magaaladaasi.

Wararku waxay sheegayaan in macallinkaan ay dileen rag ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda Federaalka, waxaana uu saarnaa Mooto Bajaaj mareysay inta u dhaxeysa Saldhigga Booliiska Baladweyne iyo Isgoyska Xaafadda Buundada October.

Meydka Maxamed Cabdullaahi ayaa Isla xalay la  dhigay isbitaalka magaalada Baladweyne, waxaana markii la dilayay uu ka yimid garoon kubadda cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla laanta  Buulo-xaableey ee xaafadda Xaawo-taako magaalada Baladweyne.

Ciidamada ammaanka magaaladaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay howlgallo ka wadaan halka dilka ka dhacay inkastoo dadkii dilkaasi ka dambeeyay ay baxsadeen.

Dilalka sidaan oo kale ah ayaa kusoo batay magaalada Baladweyne, iyadoo ciidamada ammaankana ay sheegaan in ay soo qaban doonaan cid walbo oo ka dambeysa falalka amni xumi.

Goobjoog News