U bood dhigaalka

Faah Faahin: Madaafiic Xalay Kusoo Dhacday Degmooyinka Muqdisho Qaarkood

Sheeko:Dalka

Tiro madaafiic ah ayaa habeenkii xalay ahaa waxay kusoo dhaceen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho abaare Sideedii Fiidnimo ee xalay.

Xaafado ka tirsan degmooyinka Wardhiigley iyo Howlwadaag ayaa la sheegay in dhowr madfac kusoo dhaceen balse lama sheegin illaa hadda khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi.

Mar qura ayaa la maqlay dhowr madfac oo soo dhacday, iyadoo madaafiic kadib la arkayey ciidanka ammaanka oo howlgallo wada.

Saraakiisha amniga ee gobolka Banaadir weli kama aanay hadal madaafiicda, hase ahaatee dhowr jeer sidaan oo kale magaalada waxaa uga dhacay madaafiic waliba mararka qaar maalin cad ayeey qaarkood dhaceen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News