U bood dhigaalka

Faah Faahin: Mas’uul Ka Tirsan Maamulka Degmada X/weyne Oo La Diley

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa xalay waxay degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho ku dileen mas’uul ka tirsan maamulka degmadaasi.

Shaqsiga la diley ayaa lagu magacaabayey Maxamuud Macallin Xasan oo ku caan ah Fagaase, wuxuuna ahaa guddoomiyaha waaxda Kacaan ee degmada X/weyne.

Goob joogayaal ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyey in sidoo kale uu halkaasi ku dhaawacmay guddoomiye Laameed ka tirsan degmadaasi, balse magaciisa nalooma sheegin.

Raggii dilkan ka dambeeyay ayaa la xaqiijiyey in goobtaasi ay isaga baxsadeen, iyadoo dhanka kale ay halkaasi gaareen ciidamada ammaanka.

Ma jirto faah faahin dheeraad ah oo dilkaan laga bixiyey, maamulka degmadaasina weli kama aanu hadal.

Goobjoog News