U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Ka Kala Tirsan Dowladda Federaalka Iyo Ahlu-sunna Oo Ka Shiray Dagaalkii Ka Dhacay Guriceel (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

GuriDegmada Guriceel ee gobalka Gal-gaduud waxaa xalay ka dhacay kulan balaaran oo wadatashi ah, kaa oo looga hadlayay arimaha ku aadan dagaalkii ka dhacay degmadaasi iyo sidoo kale sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadda.

Kulankaan waxaa wada yeeshay xubno ka mid ah Ahlu-sunna Waljameeca iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka socotay dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxa Arimaha Bulshada ee degmadaasi Cabdulaahi Warsame Faarax oo Waryesi siiyay Goobjoog ayaa sheegay in waxyaabaha la’isku afgartay ay ka mid tahay in ciidamadii Ahlu-sunna ee dagaalamay ay dib ugu laabtaan degmadaasi, islamarkaana la xalinayo wax walba oo halkaasi ka dhacay.

“Wasiir ku xigeenka Arimaha dibadda Mahad Salaad, Jeneraal Goobaale oo ah janan naloo soo diray iyo mas’uuliyiin kale ayaa noo timid, waana soo dhaweynay, waxaan wada yeelanay wada hadal ku aadan nabadda in la helo, meeshana laga saaro dagaalada iyo wax walba oo wax u dhimaya bulshada, xubno Ahlu-sunna Waljameecana waxaa ka joogay xubno muhiim ah” ayuu yiri Madaxa Arimaha Bulshada Guriceel.

Sidoo kale Mas’uulkaan ayaa sheegay in lagu balamay kulan kale oo midkaan ka balaaran in Labada dhinac ay degmadaasi ku yeeshaan, islamarkaana aad looga wada tashado aayaha gobalka Gal-gaduud.

Dhawaan degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacan Ahlu-sunna Waljameeca iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News