U bood dhigaalka

Faah Faahin: Nabadoon Caan Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Kismaayo

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa lagu helayaa nabadoon caan ah oo habeenkii xalay ahaa lagu dilay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Nin ku hubeysan Qori AK-47 ayaa salaaddii maqrib kadib dilay Suldaan Rashiid Dhurre Cumar, oo aad looga yaqaan deegaannada Jubbaland.

Ninkii dilkaasi ka dambeeyey ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoo ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ay illaa iyo saakay baaritaanno wadaan.

Suldaankan ayaa ka mid ahaa waxgarad kasoo horjeestay go’aanno dhowaan ay soo saareen guddiga doorashada ee Jubbaland.

Dilkan ayaa imaanaya xilli dhowaan aad loo adkeeyey ammaanka magaalada Kismaayo maadaama loo diyaar-garoobayo doorashooyinka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News