Faah Faahin: Nabadoon Lagu Dilay Magaalada B/weyne

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil fiidkii xalay degmada B/weyne loogu geystay mid ka mid ah Nabadoonada magaaladaasi.

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa degmadaasi ku dilay Nabadoon Cabdi Ibraahim Aadan oo ka mid ah waxgaradka ugu caansan gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay in lagu dilay meel aan ka fogeyn hoygiisa.

Ragga dilka ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo ciidamada ammaanka ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo lagu baadigoobayo dadka dilkaasi ka dambeeyay.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sida la sheegay nin ilaalo u ahaa Nabadoonkaa la dilay, kaasi oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Baladweyne.

Magaalada B/weyne waxaa sidaan oo kale horay loogu dilay Nabadoono, iyadoo aanay jirin illaa hadda maamulka gobolka Hiiraan wax uu arrintaasi ka qabtay marka laga soot ago baaritaanno ay sheegaan in halkaasi ka wadaan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW