Faah Faahin: Nabadoon Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Wararka aan ka helayno degmada Deyniile ee gobalka Banaadir, ayaa waxa ay sheegayaan in xalay degmadaasi lagu dilay mid ka mid ah nabadoonada ugu caansan degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dilka Nabadoonka, ayaa waxaa geysatay rag hubaysan, waxaana wararka ay sheegayaan in marxuumka dilkiisa uu yimid ka dib markii uu kasoo baxay masjid uu ku dukaday salaadda cishaha.

Sida Goobjoog News ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka Marxuumka la dilay, ayaa lagu magacaabi jiray C/risaaq Yuusuf Siicoow, iyadoona si weyn looga garanayay degmada xalay lagu dilay Nabadoonkaasi.

Kooxihii dilka geystay, ayaa isaga baxsaday goobta, iyadoona ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ay halkaasi soo gaareen, waxa ayna goobta ka bilaabeen baaritaanno ku aaddan raggii falkaasi geystay, inkastoo aysan waxa natiijo ah kasoo bixin baaritaankooda.

Dilalka sidan oo kale ah ayaa noqday kuwo kusoo noq-noqday magaalada Muqdisho, xilli ciidamada ammaanka ay xoojiyeen howlgalladooda.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW