U bood dhigaalka

Faah Faahin: Nabadoon Ka Tirsanaa Ergadii Soo Dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Lago Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay lagu dilay Nabadoon Ibraahim Cali Xasan oo ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay in dhowr xabad ay ku dhufteen Nabadoonka, sidaasina uu ku dhintay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in raggii falkaasi ka dambeeyey ay goobta isaga baxsadeen, islamarkaana halkaasi ay howlgallo ka sameeyeen ciidamada ammaanka.

Nabadoonka la dilay ayaa ka mid ahaa ergadii K/galbeed ee magaalada Baydhabo kusoo doortay xildhibaannada golaha shacabka.

Horey sidan oo kale waxaa loo dilay rag ka mid ahaa ergadii xildhibaannada golaha shacabka kusoo doortay gobollada dalka.

Goobjoog News