U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qarax Ka Dhacay Degmada Afgooye Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino oo maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Miino la sheegay iney dhulka ku aasneyd ayaa lagu qarxiyey askar ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugnaa bartamaha degmadaasi.

Inta la hubo Seddex qof oo halkaasi ka dhowaa ayaa dhaawacyo fudud kasoo gaareen qaraxaasi, iyadoo aan lasoo warin khasaare kale oo halkaasi ka dhashay.

Qaraxa kadib, ciidamada ammaanka ayaa bilaabay howlgallo ay ku baadigoobayaan cid walbo oo ka dambeysay qaraxan, balse lama sheegin cid howlgalkaan lagu qabtay.

Falalka amni darri ayaa maalmahan dambe kusoo badanayey degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo maamulka degmadaasina uu sheego in ay wax badan ka qaban doonaan arrimaha ammaanka.

Goobjoog News