U bood dhigaalka

Faah faahin: Qarax ka dhacay degmada Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa saaka ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay agagaarka Hotel Maleeka degmada Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ay heleyso Goobjoog FM ayaa sheegaya in qaraxaan uu ahaa miino waxaana lagu xiray Gaari uu watay agaasime ka tirsan wasaaradda beeraha xukuumada Soomaaliya.

Maamulka degmada Xamar weyne ayaa u xaqiijiyay Goobjoog FM in qaraxa lagu xiray gaariga agaasimaha waaxda shaqaalaha ee wasaaradda beeraha Axmed cilmi Waasuge ay fashiliyeen ka dib markii ay ka war heleen in gaariga walxaha qarxa lagu rakibay.

Maamulka degmada, Ciidamada Booliska iyo Nabad sugidda ayaa iska kaashaday howlgalkaasi waxaana la sheegay in cidna aysan wax ku noqon qaraxa lagu xiray Gariga agaasimaha waaxda shaqaalaha wasaaradda beeraha ee xukuumadda Federaalka.

Goobjoog News